Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa goor dhaw ka degay Magaalada Baraawe ee caasimada Maamulkaas.

Waa markii ugu horeysay oo safar ku tago Magaalada Baraawe Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya

Safarkiisa waxaa ku wehliya Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye,Xildhibanao iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Baraawe ayaa halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxwyene laftagareen.

Waxaa uu kulama kala duwan la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda inta uu ku sugan yahay Magaalada Baraawe oo ka mid  ah Magaalooyinka ugu waa weyn maamulka Koonfur Galbeed.

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed,waxaana Madaxweynaha uu Maamulka iyo Bulshada kala hadli doonaa sida ay suurtagal ku nooqn karto in Maamulku uu Baraawe usoo giiro.

Amniga degmada Baraawe ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waana safarkii labaad ee uu Baydhjabo uga baxo Madaxweyne lafgareen,waxaana safarkiisii ugu horeeyay uu ku tegay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Baraawe waa caasimada rasmiga ah ee Maamul Goboleedka Koonfur galbeed waxaa gacanta ku haya Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM, waxaan dad isweydiinayaan hadiiba gacanta Al shabaab aysan ku jiran Magaalada maxuu Maamulka ugu shaqeyn la’yahay?