Munaasibad maanta ka dhacday Madaxtooyada Koonfur Galbeed magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa xilka Madaxweynaha kula wareegay C/Casiis Xasan Lafta-Gareen oo xilkan loo doortay todobaadkii hore.

goob joog ay ka ahaayeen Mas’uulyiin kala duwan oo ugu horeeyo Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Xildhibaano ka wada tirsan Baarlamanka Fedaralka Soomaaliya Iyokuwa Koonfur Galbeed ayaa Maanta lagu qbatay ee Magalada Baydhabo.

C/Qaadir Shariif Sheekhunaa oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ahaa ku simaha Madaxweynaha,waxaan xilkan horay ugu wareejiyay Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo ah Gudomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed,sidoo kalena ahaa sii haayaha Xilka Madaxweynaha ayaa sheegey in maanta si rasmi ah Xilka ugu wareejiyay Madaxaweynaha laftagareen.

Madaxweynaha Dowlad  Goboleedka Koonfur Galbeed  C/Casiis Xasan Mohamed Lafta gareen ayaa ka hadley Qorshaha wax qabadka maamulkiisa uu la imaan doono ‘isag oo si cad u sheegey in maamulkiisa Muhiimadda 1-aad uu siin doono Amniga Guud Ee Deeganada Koonfur galbeed Soomaaliya.

Lafta-gareen ayaa la doortay Arbacadii la soo dhaafay kaddib doorasho ka dhacday Maagalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.

Doorashadii uu ku soo baxay oo ay ka qeybgaleen Xildhibaanno gaaraya 143 Xildhibaan ayaa waxaa codka siiyay 101 Xildhibaan sida ay sheegeen Guddiga doorashada,waxaana uu ku guuleystay wareegga 1aad.

Munaasibadda Caleema saarka Lafta-Gareen ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bartamah bisha soo socota ee 2019ka.