Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr.Siciid Cabdulaahi Deni Iyo Ku Xigeenkisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kulan deg deg ah la qaatay Taliyayaasha iyo Saraakisha Ciidmada kala duwan ee Puntland.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayay xoojinta amaanka guud ee Puntland ayuu madaxweyne Deni saraakiisha iyo taliyayaasha uu la kulmay u sheegay in muhiim ay tahay dar-dar gelinta amniga guud ee Puntland maadama laga soo gudbiyay xili kala guur ah.

Kulankaan oo ka dhacay guriga uu degan yahay Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa waxa uu ku ammaanay Saraakiisha Ciidamada dadaallada ku aadan suggitaanka Ammaanka degaanada maamulka iyo sidii ay adkeyeen Amaanka Garowe xilligii doorashadda..

Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr.Siciid Cabdulaahi Deni oo shalay ay doorteen xildhibaanada golaha wakiilada Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan magaalada Garoowe kula qaatay masuuliyiin ka socotay dowlad Federaalka Soomaaliya saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiin kale.