Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay boqolaal ka mid ah Shacabka ku nool Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka arrimaha Gudaha , Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliya.

Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa si wayn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada kala duwan ee Galmudug iyo Puntland iyo ciidanka isku dhafka ah ee ammaanka Gobolka Mudug loo diyaariyay lagu arkaayay Magaalada.

Bulsho aad u fara badan oo hamuun qaba soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha ayaa lagu arkaayay wadada isku xirta Garoonka iyo Magaalada Gaalkacyo gudaheeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada Gaalkacyo waxaa uga bilowday safar dhanka dhulka ah uu ku maraayo deeganada Maamulka Galmudug.

Maalmaha soo socda ayuu ku sugnaan doona Magaalada , isagoo kulamo kala duwan la qaadan doona qeybaha kala duwan ee Bulshadda.