Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu Berri oo Jimce ah u ambabaxo Magaalada Gondar ee Dalka Itoobiya.

Farmaajo ayaa halkaasi kaga qayb geli doona Shir Saddex geesood ah oo uu halkaasi kula yeelanayo Ra’asul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki, sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya, C/nuur Maxamed Axmed.

Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii ka soo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay dalalka gobolku ku yeesheen Magaalada Asmara ee dalka Eretrea labo Bilood ka hor.

Dowladaha Geeska Afrika ayaa dhawaan ku heshiiyay heshiis isdhexgal dhaqaale si kor loogu qaado Dhaqaalaha Geeska Afrika.

Saddex Mas’uul ee ugu sareysay Dalka Soomaaliya Eritrea iyo Itoobiya ayaa horay ugu kulmay Magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eritrea ayadoo taas ay muujisay in isbadal weyn uu ku yimid siyaasada Geeska Afrika.