ST ALBANS, ENGLAND - FEBRUARY 21: Hector Bellerin of Arsenal during a training session at London Colney on February 21, 2018 in St Albans, England. (Photo by Stuart MacFarlane/Arsenal FC via Getty Images)

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa iney xiiso u qabto daafaca midig ee Arsenal Hector Bellerin kaas oo la filayo inuu isaga tago xagaaga soo aadan kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Isbuucyadii lasoo dhaafay Bellerin waxaa lala xiriirinayay Juventus, maadaam aay diyaar u tahay iney hesho daafac midig oo tayo sare leh, sidoo kalana Manchester Evening News ayaa baahisay in xidigaan uu ka codsaday kooxdiisa in la fasaxo maadaama uusan wax hormar ah dareemeynin.

Bellerin wuxuu heystaa heshiis shan sanadood ah, Gunners ayaana diyaar u ah iney iibiso xidigaan hadii ay qiimo macquul ah ku hesho.

Man United si ba’an ayey ugu raad joogtaa daafac midig maadaama Valencia uu yahay 33-jir, sidoo kalana Ashley Young iyo Darmian aan lagu aamini karin booskaas.