(Photo by Nathan Stirk/Getty Images)

Manchester City ayaa sarre u qaadeysa xiisaheeda mudada dheer ee xiddiga Lyon Tanguy Ndombele kooxda ayaa qarka u saaran iney soo nadhigaan £70m oo ay ku dalbadan ciyaaryahanka khadka dhexe, Sun Sport ayaa sheegay sidaas.

Ndombele, oo 22 jir ah, ayaa waxaa uu soo jiitey Pep Guardiola, Dhanka kale wararka laga helaayo ilo wareedyo Faransiis ah ayaa sheegay in kooxda heysata horyaalka Premier League ay 50 milyan oo euros ku bayactantey xagaagii hore.

Waxaa lagu soo waramayaa in Guardiola uu go’aansaday inuu Ndombele, oo ku guuleystay koobkiisii ​​afaraad ee xulka Faransiiska bishii October, Waxaa uu ku jiraa xalada ugu fiicnaa ee Fernandinho, waxaa uu leyahay qaab ciyaareed farsamo iyo jireed oo looga baahan yahay Premier League.

Kooxaha Manchester United iyo Juventus ayaa sidoo kale doonaya Ndombele, taasoo la micno ah in City ay la kulmi doonto tartan adag hanasjhadda xidiga birta lyon, laakiin waxaa la sheegayaa in Blues ay diyaar u tahay inay bixiso aduun dhan £70m oo ginni sii ay uu hesho xidigan.

City sidoo kale waxay u egtahay in ay xiseyneyso caawiya khadka dhexe ee Ndombele ee reer Lyon, Houssem Aouar, laakiin Ndombele ayaa ah mudnaanta ay ku xoojineyso doorka khadka dhexe, iyaado damaceedu yahay in uu ciyaaro badan ciyaaro oo ay khadka dhexe isaag geyso.

Intii ay raadinayeen ciyaaryahan khadka dhexe uga ciyaara, Blues ayaa ku seegtay Fred oo tagey Manchester iyo Jorginho oo adey Chelsea ah, taas oo taageerayaasha intooda badan laga yaabo inay u arkaan xabbad isku dhufo.

City ayaa sidoo kale isku dayday saxiixa Frenkie de Jong oo ka imanaya Ajax, lakiin ciyaaryahanka reer Holland ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Barcelona xagaaga.