Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa guuldaro bahdilaad ah kala soo laabtay Manchester City wuxuuna awoodi kari waayay in uu sugo Pep Guardiola oo doonayay in uu gacan qaado markii soo dhamaatay ciyaartii Etihad Stadium.

Markii uu Guardiola isku dayay in uu u dhaqaaqo dhinaca uu Sarri joogay waxa uu arkay macalinka reer Talyaani uu talaabo hoosta ka sii xadaya isla markaana Isqarin ku sii jira.

Laakiin tababare ku xigeenka kooxda Chelsea ee Gianfranco Zola ayaa calool adayg muujiyiay wuxuuna laabta galiyay isla markaana uu si raganimo leh u gacan qaaday macalinka kooxdooda ceebta baday ee Guardiola waxayna is dhaafsadeen dhawr kalmadood.

Pep Guardiola ayaa kadib kulankii Man City ay xasuuqa u gaysatay Chelsea waxa uu saxaafada u sheegay in uu doonayay sidii uu Maurizio Sarri u salaami lahaa balse waxa uu xusay in uu waayay balse aanu wax dhibaato ahi dhex oolin labadooda.

Chelsea ayaan helin wax cudur daarasho ah oo ay ku sharixi karaan lixdii gool ee ay Manchester City kala kulmeen wuxuuna Sarri u muuqday mid awoodi kari waayay in uu wajiga siiyo Guardiola halka halyayga Chelsea ahna tababare ku xigeenka Sarri ee Gianfranco Zola uu dhamaadkii ciyaarta salaantii Sarri uu ka qaaday Guardiola.

Chelsea ayaa la filayay in ay ahayd kooxda dhibco ka lumin kartay Man City laakiin wixii ay Sky Blues ka samaysay kulankii Etihad Stadium waxa uu ahaa dhul gariin fariin adag u diray dhamaan kooxaha u hadhsan City iyo waliba kooxda koobka Premier league ay ku tartamayaan ee Liverpool.

Haddaba halkan ka daawo muuqaalka qaabkii uu Maurizio Sarri u diiday in uu gacan qaado Guardiola oo salaan kula soo dhaqaaqay