balse Imaaraadka ciidan Milatari ah ayaa ka joogaa dhulka Yemen; gaar ahaan Koofurta oo ay Cadan ugu horreyso.Waxa ay sameeyeen Golaha KMG ah ee koofurta Yemen (STC),waxaana ay u dhiibeen Nin lagu magacaabo Caydaruus Al Zubeydi .Al Zubeydi;

Waxaa ay u tababareen Ciidamo farabadan oo gacanta ku haya maamula Koofurta Yemen,waxa uu maamulaa dhamaan maamulka Xarumaha dowliga ah ee Koofurta oo ay ka talin jirtay Xukuumaddii dibad joogga ahayd ee Cabdu Rabbuu Mansuur Haaddi,

Al Zubeyddi; waxa uu ka mid ahaa dowladdii Haaddi ee Xuuthiyiinta u diiday Cadan,waxaana Al Zubeydi iyo Wasiiru dowlihii Madaxtooyada la eryay kaddib markii dowladda Cabdu Rabbu; ogaatay in ay xiriir la leeyihiin Imaaraadka islamarkaana damacsanyihiin afgambiga hadda dhacay.

Imaaraadku waxa ay diideen in Garoonka Diyaaradaha iyo Dekadda Cadan ay ka degaan xubnaha taageersan Cabdu Rabbu Mansuur,waxaana dadka loo diiday ka degidda garoonka iyo adeegsiga dekedda ka mid ahaa wiilka Cabdu Rabbu Mansuur,

sidaas awgeed Cabdurabu Mansuur; ayaa Xukuumadda Dubai ku eedeeyay in ay u dhaqmayaan sida dowlad gumeysi ee aysan u dhaqmeyn sida Dowlad caawinaad.

Al-Zubeyddi; waxaa lagu eedeeyay in uu lacag iyo Ciidan badan ka helay Imaaraadka si ay u la wareegto Jasiiradda جزر سقطرى ee Yemen iyo Soomaaliya ay ku muransanyihiin,taas oo u dhaxeysa Badweynta Hindiya iyo Dekadda Cadan.

2 of 5