Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa shuruud adag ku xiray in la kala qaado Ciidamada Maamullada Somaliland iyo Puntland.

Arrintan waxaa ay soo baxday kaddib markii Boqor Buurmadoow uu ka codsaday Madaxqweynayaasha labada Maamul in ay kala qaadaan Ciidamada isku hor fadhiya Tukarraq.

Gaas ayaa sheegay in Ciidamada isku horfadhiya Degaanka Tukarraq oo la kala qaada ay ku xiran tahay in Boqor Buurmadoow uu marka hore ka dhaadhiciyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Gaas ayaa sheegay in Puntland ay waligeedba nabadda jecleyd sida uu yiri hayeeshee dhinaca Somaliland ay tahay cidda gar darrada wadda,haddana ay iyaga ku xiran tahay.

Boqor Buurmadow ayaa ka qeybgelayay Caanashubka Baaldaaje cusub oo shalay ka dhacday magaalada Carmo ee degaannada Puntland.

Dhinaca Somaliland wali wax wara kama soo bixin oo la xiriira hadalka Boqorka iyo jawaabta Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Gaas.