Xiddiga reer Argentina ee Lionale Messi ayaa markii ugu horreysay magaciisa ku isticmaali kara ganacsiyadiisa iyo xayeysiisyada uu sameeyo, kaddib markii maxkamad ku taalla Yurub ay u ogolaatay.

Messi oo toddabadii sannadood ee u dambeeyey dagaal sharci kula jiray shirkad samaysa baabuurta iyo mootooyinka oo ku taalla waddanka Spain oo la Yidhaahdo ‘MASSI’ ayaa ugu dambayn guuleystay, isla markaana magaciisa ku shaqaysan kara.

Shirkadda Massi oo magacu u xidhan yahay ayaa hore ugu doodday in macaamiishu ku khalkhalayaan labada magac ee MESSI iyo MASSI oo isku eg, sidaa daraadeedna ay tahay in Leo uu ka tanaasulo magaciisa.

Shirkadda ayaa berigaas ku guuleysatay dooddeeda, hase yeeshee, Messi ayaa go’aansaday in aanu sinaba uga hadhin ee uu dagaal sharci galo, waxaana ugu dambayntii ay maxkamad ku taalla Yurub go’aamisay in Leo Messi uu magaciisa u isticmaali karo ganacsiyadiisa, isla markaana uu ka weyn yahay qof magaciisa lagu khalkhalo.