Dr. Michael Rubin, oo ah madaxa machadka American Enterprise Institute, ayaa dawladda Maraykanka ugu baaqay in la joogo wakhtigii ay aqoonsan lahayd qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxaana caalamka uga digay inay ku dheganadaan raadinta midnimo dambe oo uu ka digay halis amni oo ay keeni karto.

Dr. Rubin oo toddobaadkii hore safar ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, lana kulmay Madaxweyne Biixi, ayaa wuxuu toddobaadkan baahiyay qoraal uu kaga hadlay qaddiyadda Somaliland iyo midnimada Soomaaliya.

Qoraalkaas oo aan usoo tarjunnay Soomaali, wuxuu u dhignaa sidan:-

“Siyasadda Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya waxaay salka ku haysa fekerka odhanaya midnimada Soomaaliya ayaa si buuxda uga dhigi karta nabad dalka, islamarkaana suurtagelin karta inay nabad ka dhigto dhulkeeda. Tan ayaa ahayd fekerka ay qabeen jiilal badan oo ah dadka go’aan qadashada leh [ee Maraykanka ah], balse waa mid caqli ahaan daciif ah.

Arinku wuxuu yahay in la doonayo Somaliland oo ku taal dhinaca woqooyi oo ah saddex meelood ba meel dalka oo ahayd nabad tan iyo 1991kii, inay mar labaad is hoos gayso dawladda iyo maamulka Muqdisho. Inkasta oo ay run tahay in qabiilku yahay waxa kala duwa Somaliland iyo Soomaaliya inteeda kale ee aanay ahayn qoomiyadnimo, hadana aragtida odhanaysa qoomiiyadnimadu waa inay qeexda dalnimada waa mid aan micno ku dhisnayn.

Ugu horayn bal eeg tusaalayaasha faraha badan ee muujinaya qoomiyado iyo luqado isku mid ah oo ah dalal kala duwan: waxa jira laba Roomaaniyiin (mid kood la yidhaahdo Moldova), laba Albaaniyiin (oo midkood yahay Kosofo), iyo in ka badan 20 dal oo Carab ah.

Waa marka labaad e, haddii xitaa Muqdisho ay dib u maamusho Somaliland, taasi ma keeni doonto midnimo Soomaali. Sida Kurdiyiintu ay afar dal u degan yihiin, ayay Soomaaliduna sidaas oo kale u tahay: marka Soomaaliya laga yimaado, Jibuuti dadkeeda inta badani waa Soomali; sababta keliya ee ay dal madax banaan u noqotayna waa cidda gumaysatay darteed; gobolka Ogaadeen ee Itoobiya qoomiyad ahaan waa Soomaali, sidaas oo kale waxa la mid ah Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya.

Haddii lagu adkaysto dib u midaynta Somaliland iyo Soomaaliya waxaay keenaysaa khatar ah inay dhiirigelinayso dhul raadin amni darro keenta. Dagaalkii 1977-1978 oo bilaabmay markii Soomaaliya ay weerartay Itoobiya si ay u qabsato dhul ay degen yihiin dad qoomiyad ahaan Soomaali waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaa ku bara-kacay nus malyuun qof, wuxuuna mudo kooban noqday xiisad ka mid ah Dagaalkii Qaboobaa. Dhowaan, xiisadda ka dhaxaysa Muqdisho iyo Nayroobi ayaa cirka isku shareertay markii Dawladda Ku-meel gaadhka ah ee Federaalku ay isku dayday inay xaraashto goobo shidaal ku jiro oo ku yaal dhul biyoodka Kenya.

Hadii laga helo shidaal biyaha gobolka Soomaalidu degto ee Kenya, dhul raadinta Muqdisho way sii xumaan kartaa.

Malaha dadka go’aan qadashada lihi [ee Maraykanka ahi] xagga danbe ayay ka soo bilaabeen; halka looga arko dawlad dhexe oo xoogan oo Muqdisho fadhida -federaal ha noqoto ama yay noqone- inay u tahay fure xasiloonida gobolka, malaha siyaasadda ka fiicani waa in la abaal mariyo goobaha ku guulaystay degenanasho iyo xasilooni. Jibuuti waxaay in ka badan afartan sanadood ahayd meel qoys maamulo (madaxwaynaha hada waxa adeer u ahaa madaxwaynihii u horeeyey ee dalka).

Prev1 of 2