Midawga yurub ayaa ka hadlay isbadalada uu wadanka Itoobiya ka hirgeliyey raysal wasaare Dr.Abiy Ahmed, waxayna farta ku fiiqeen meelaha ay rabaan in isbadalku uu gaadho.

Safiirka Midawga yurub u fadhiya Itoobiya Johan Borgstam ayaa warbaahinta Ethiopian Herald u sheegay in midawga yurub soo dhawaynayo isla markaana taageerayo nidaamka dimuqraadiga ah ee xisbiyada badan ee dalka laga hirgelinayo, ilaalinta xuquuqda aadanaha, isku xukunka sharciga iyo taageerada la siinayo dumarka.

Safiirka midawga Yurub ayaa sheegay in magacaabidii madaxweynaha Itoobiya lagaga dhigay Mss Sahle Workd Zewde iyo in kala badh golaha wasiirada laga dhigo dumar ay dhiiri gelinayso talaabooyinka hore loogu qaadayo dheelitirka raga iyo dumarka ee awooda dalka, isaga oo xusay in midawga yurubna uu si weyn u taageersan yahay.

Safiirka ayaa sheegay in midawga yurub ku dhiiri gelinayo dawlada Itoobiya inay sii wado qorshayaasha ku saabsan horumarka, wada hadalka dhamaan qaybaha ay khusayso eek ala ah dawlada federaalka ah, maamulada, xisbiyada siyaasada, ururada dhalinyarada iyo saxaafada si loo gaadho deganaansho ku saabsan dawlad wanaaga, cadaalada, isla xisaabtanka, doorshooyinka, shaqo abuurka iyo in laga gudbo caqabadaha dhinaca amaanka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in midawga yurub ay diyaar u yihiin taageerada dawlada Itoobiya ee dhinacyada ilaalinta xuquuqda aadanaha, xoriyada hadalka, helida xogta, xuquuqda lagu qabsan karo shirweynayaal iyo amaanka, isaga oo xusay in midawga yurub soo celinayo barnaamijyadii uu ka fulin jiray dalka Itoobiya ee ay ka mid ahaayeen dhiirigelinta waxbarashada hablaha, ka hortagida dhamaan tacadiyada ka dhanka ah dumarka iyo dhiirigelinta doorashooyinka soo socda, isaga oo cadeeyey in midawga yurub soo dhawaynayso isbadalada dhinaca dhaqaalaha iyo dhiiri gelinta maalgashiga iyo kordhinta doorka ay ku leeyihiin shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale safiirka midawga yurub ee dalka Itoobiya waxa uu soo dhaweeyey isbadalada ka socda Geeska Afrika ee ay hormoodka ka tahay dawlada Itoobiya.