KIEV, UKRAINE - MAY 26: Gareth Bale (Photo by David Ramos/Getty Images)

Real Madrid ayaa waxay ku guuleystay Champions League markii saddexaad oo xiriir ah, ahna markii 13aad taariikhda oo dhan kadib markii ay 3-1 uga adkaadeen Liverpool, ciyaar uu labo gool dhaliyay Gareth Bale, ka hor inta aysan isu jawaabin Karim Banzema iyo Sadio Mane.

Hadaba, waxaan halkaan hoose aan idin kugu soo gudbin doonaa Todoba xaqiiqo oo waa weyn, kuwaasoo laga diiwaan-geliyay kulankaan inta uu socday iyo guud ahaan macnaha guud ee ciyaartaan aadka uxiisaha badneed.

1: Gareth Bale ayaa wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee bedal kusoo galay Final-ka tartanka ugu xiisaha badan Yurub eel abo gool dhaliya.

2: Sidaasi si lamid ah, Gareth Bale ayaa wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee reer Britain ah, kaasoo labo Final oo kala duwan oo tartanka yurub ugu xiisaha badan ka dhaliyay gool, waxaase midkii ugu horeeyay uu ahaa Phil Neal oo sameeyay 1977 iyo 1984.

3: Sadio Mane ayaa wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee reer Senegal ah, kaasoo gool ka dhaliyay Final-ka tartanka Yurub ugu xiisaha badan ah.

4: Karim Banzema ayaa wuxuu noqday laacibkii ugu horeeyay ee Faransiis ah, kaasoo gool ka dhaliyay Final-ka Champions League tan iyo Zinédine Zidane 2002-dii.

5: Real Madrid ayaa waxay noqotay kooxdii ugu horeysay ee Champions League ku guuleystay Saddex jeer oo xiriir ah taariikhda kubada cagta Casriga ah.

6: Real Madrid ayaa waxay guul daro la’aan tahay Lixdii kulan ugu dambeysay laga soo bilaabao Fianl-kii Cardiff oo ay kasoo qaadeen Juventus, Shan guul, iyo Labo Bareejo ayey haystaan, mana jirto koox sidaas sameysay.

7: Zinédine Zidane ayaa wuxuu noqday macalinkii ugu horeeyay ee Champions League ku guuleysta saddex sano oo xiriir ah, mana jiro tababare soo maray kubada cagta oo sidaas sameeyay, waxaase kusoo dhow Marcello Lippi, laakiin aan qaadin.