Musharax Saadiq Eenow oo isku soo taagay qabashada xilka madaxwaynaha Puntland ayaa saakay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland, waxaana uu sheegay inuu ka tanaasulay doorashada inuu u tartamo.

Musharaxan ayaa sheegay inuu u tanaasulay musharax Cali Ciise oo maalmo kahor ku dhawaaqay inuu ka qaybgalayo doorashada  Madaxweynaha Puntland.

ayaa imaaneysa Saacado ka dib markii Guddiga Doorashooyinka Puntland ay soo andhigeen Shuruudaha musharaxiinta taas oo ay qeyb ka tahay in musharax walba laga doonayo in uu bixiyo  20,000 oo Dollar

Musharaxa maanta ka tanaasulay in uu ka qeyb galo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland Saadiq Eenow ayaa horay doorashadii 2014kii ka tanaasulay.

Sida la filayo Musharxiinta madaxwaynaha Puntland ee ka badan afartan musharax ayaa badankooda saacadaha soo socda ka hari doona ololaha doorashada Puntland.