Askari ka tirsan hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ayaa lagu waramayaa in uu duleedka Muqdisho ku dilay qof shacab ah.

Marxuumka, Cabdiqani Xaaji Axmed, oo ahaa darawal Homy ayaa la khaarijiyay markii uu muran dhex-maray isaga iyo askariga.

Ibraahim Cismaan, oo ay qaraabo yihiin Cabdiqani ayaa sheegay in wiilkooda loo dilay $1 oo uu ka rabay askariga.

Falkaan ayaa ka dhacay kontaroolka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho, maanta oo Isniin ah.

“Lacagta uu rabay askariga waa mid si joogta ah looga qaado gaadiidka ka yimaadda Shabeellaha Hoose, haday diidaan waa la dhibaateeyaa,” ayuu yiri Ibraahim.

Marxuumka Cabdiqani ayaa ka yimid degmadda Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo yoolkiisu ahaa in xamuul soo qaado dibna ugu laabto halka uu ka yimid.

“Waxaan ka codsaneynaa dowlada in ay wax ka qabato dhibaatada ay ciidamadu ku hayaan gaadiidleyda,” ayuu Ibraahim ku jawaabay markii la waydiiyay fariinta uu dirayo.

Kontaroolka Siinka Dheer oo dhaca Koonfur Galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa lagu baaraa gaadiidka ka yimaada gobolka Shabeellaha Hoose ee soo galaya caasimada.

Dhinaca kale, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal, mid kamid ah ilaalada huteelka Shaamow ee nawaaxiga isgoyska Zoobe ayaa ku dilay qof rayid ah.

Shaqsiga la dilay oo ahayd haweeney naafo ahayd ayaa magaceeda lagu soo koobay Cadar, laguna qiyaasay da’deeda 30 illaa iyo 40-sano jir ah.

Saxafadda ayaa fahansan in Marxuumada ay u tegtay huteelka si ay uga soo qaadato lacag ay bixineysay hay’adda WFP.

“Askariga dib u laabo ku yiri Maamada…markaasi kadib waxaa laga war-helay xabad dhacday…iyo iyada oo dhulka taalla,” ayuu yiri Goobjoogaha.

Maamulka huteelka wali kama uusan hadlin falkaan.

GO ayaa si lamid ah ogaaday in ilaalada huteelka ay gacanta ku hayaan gacan ku dhiiglihii dilka geystay, inkasta oo aan la ogeyn waxa xigi kara.

Goobjoogayaasha ayaa intaasi ku daraya in markii uu shilku dhacay gabi ahaanba ay hakad gashay bixinta lacagta.

“Lacagta lix bilood ayay naga maqneed…bil kasta waxaan qaadan jirnay $105,” ayuu yiri kamid ah dadka sugayey in ay deeqda qaataan, kaasoo raaciyay “Maanta waxaan qaadan lahayn wadarta guud”.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdooyinkaan oo kasoo baxay laamaha amaanka xili ay qayb ka noqonayaan xad-gudubyada sii kordhaya oo ay askarta dowladu kula kacayaan shacabka.