Qarax Bam nuuca gacanta laga tuuro ayaa caawa lagu weeraray Xarun ka tirsan laamaha Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Bamka lagu weerarray xarunta Laanta horseed ee degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii caawa lagu weeraray bam gacmeed mid kamid ah laamaha ay ka kooban tahay degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dadka uu khasaaraha ka soo gaaray qaraxa bambaano ayaa isugu jiray dad rayid ah iyo ciidamo halkaas ku sugnaa.

Dadkii bambaanooyinka ku tuuray mid ka mid ah laamaha ay ka kooban tahay degmada Yaaqshiid ayaa sida la sheegay boobta ka baxsaday,waxaana gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo howlgallo ka wada.

Maamulka iyo saraakiisha laamaha amaanka ee Degmada Yaaqshiid ayaan wali wax faahin rasmi ah ka bixin weerar caawa ka dhacay mid ka mid laamaha Degmadaas.