Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa Ka Hadlay Sharciyo Isbadal Lagu Sameeyey Iyo ujeedada Laga Leeyahay, waxaanu maanta xafiiskiisa kula kulmay golaha la talinta sharciga iyo cadaalada oo uu afar bilood ka hor u magacaabay xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa golaha la talinta sharciga iyo cadaalada ee uu kulanka la qaatay waxa uu uga mahad celiyey sidii mutadawacnimada ahay ee ay u shaqaynayeen mudadii afarta bilood ahayd ee ay xilkan hayeen.

Warka ka soo baxay xafiiska raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in raysal wasaaruhu uu si weyn ugu nuux nuuxdsaday in isbadaladii lagu sameeyey sharciyado ay ka mid yihiin ka hor taga argagixisada iyo sharciga bulshada rayidka ah looga dan leeyahay inay hubiyaan xoriyada muwaadiniinta iyaga oo aan ka hor imanayn isku xukunka sharciga.

Sidoo kale Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in golahani uu ka shaqaynayey dib u eegid iyo soo jeedinta talooyin ku saabsan isbadalka dhinaca sharciga ee ka socda dalka Itoobiya.

Sikastaba ha ahaatee Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa haatan u muuqda mid u soo jeedsaday isbadal uu ku sameeyo sharciyada iyo dhinaca garsoorka.