Real Madrid ayaa sheegtay in uu iib yahay laacibka dalka Wales ee Gareth Bale, kaa oo ay ku raad joogeen Kooxaha ugu waa weyn ee Qaarada Yurub ka Ciyaara oo ayugu horeysa Koxda uu Hogaamiyo Macallinka Reer Portugal ee Manchester United.

Kooxda heysata horyaalka Spain ayaa ku dhawaaqday in Manchester United, Chelsea iyo Spurs ay dhammaantood heystaan fursadda ay kula saxiixan karaan laacibka Bernabeu ee dhaawacyadu dilloodeen.

Laacibkan oo hadda cagta ka dhaawacan waa 28-jir weerarka ka ciyaara, waxaana lagu soo waramayaa in Xiddigaan uu Garoomada ka maqnaan doono ilaa inta ka ahrsan Xilli Ciyaareedkaan maadaama Laacibkaan uu soo gaaray Dhaawac aad u Culus.

Real Madrid ayaa hadda ku dhawaaqday in £85milyan lagu iibin karo laacibka, oo la jooga kooxdan wax ka badan 4 sano sidoo kalena sanadkan la qaaday La Liga wuxuu sidoo kale qaaday Champions League 3 mar, sidoo kale wuxuu qaaday Copa del Re