Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xubnaha golaha wasiiradiisa uga digay inay saxiixaan heshiisyo caalami ah, iyadoo uusan la socon xafiiska, iyo garyaqaanka guud.

Shirkii golaha wasiirada ee shalay ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ay muhiim tahay in uu jiro iska warqab.

Wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdullaahi Xaamuud ayaa sheegay ujeedada inay tahay si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

“Waxaa kaloo la istusiyay in wasaaraha ay ka digtoodaan inay saxiixaan heshiisyo caalami ah iyada oo aysan la socon garyaqaanka guud iyo golaha wasiirada oo ra’iisul wasaaraha uu ugu horeeyo, si aysan dhibaato u imaan”ayuu yiri wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Xaamuud.

Golaha ayaa magacaabay guddi ay hoggaaminayaan garyaqaanka guud iyo wasiirka hawlaha guud, dib u dhiska iyo guryaynta si ay baaritaan ugu sameeyaan shuruucda dalku lahaa ee lagu maamulo hantida qaranka, kadibna ay golaha ugu soo gudbiyaan kulanka xiga, si xukuummaddu ay ugu salayso siyaasadeeda ku aaddan ilaalinta hanitada qaranka..

Horrey, waxaa u dhici jirtay in wasiirada qaar ee dowladda ay heshiisyo la galaan hey’addo caalami ah iyadoo aysan ogeyn madaxda dowladda, taasoo aaqirka keenta wax yaabo aan la mahdin ama khatar ku ah jiritaanka qaranka dalkeenna.