ZURICH, SWITZERLAND - OCTOBER 20: FIFA World Cup Trophy is presented after the FIFA Executive Committee Meeting on October 20, 2011 in Zurich, Switzerland. During this third meeting of the year, held on two days, the FIFA Executive Committee will approve the match schedules for the FIFA Confederations Cup Brazil 2013 and the 2014 FIFA World Cup Brazil. (Photo by Harold Cunningham/Getty Images)

Koobka K/cagta adduunka ee 2026 ayaa waxaa lagu qaban doonaa waddamada Maraykanka, Canada iyo Mexico, ka dib markii ay ka guulaysteen isku daygii ay doonaysay Morocco inay ku marti galiso.

Cayaaraha 2026 ayaa noqon doona tartankii ugu weynaa ee koobka kubadda cagta adduunka ee abid la qabto, ayadoo 48 kooxood ay dheeli doonaan 80 cayaarood muddo ka badan 34 maalmood.

Canada, Mexico, Morocco, iyo Maraykanka ayaa laga reebay, ayadoo Ghana ay ka maqnayd, ka dib markii xukuumaddu ay sheegtay inay kala dirtay ururka K/cagta ee dalkaas, maadaama ay soo baxeen eedeymo la xiriira musuqmaasuq ‘baahsan’.

3 ka mid ah dhulalka uu Maraykanku xukumo oo kala ah Guam, US Virgin Islands iyo Puerto Rico ayaa ka mid ahaa dalalka xubnaha ka ah FIFA ee aan codayn.

Canada waxay hore u martigalisay koobka K/cagta adduunka ee gabdhaha sannadkii 2015.