Gaari kuwa aan xabada Karin, ayaa goor dhaw waxaa qarax lagula eegtay laami yaraha Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo la sheegay inuu yahay nooca aan xabada karin ee Proofta loo yaqaan, ayaanan la ogeyn meesha qaraxa looga soo xiray, isaga oo wadada socda ayuuna qarxay.

Lama oga shaqsiga gaariga watay waxa uu yahay, balse Saraakiil Dowladda ka tirsan ayaa sheegay ruuxa gaariga waday inuu yahay Shaqaale Dowladeed.

Ruuxii waday gaariga kaliya ayaa ku dhintay qaraxaasi, mana jirto khasaare kale oo ka dhashay, sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen.

Dhanka kale laba qarax ayaa Ciidamada Midowga Afrika Amisom, waxaa lagula eegtay Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan meel ku dhaw Warshadii hore ee Baastada.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay inay maqleen dhawaqa laba qarax oo culus, xilli Ciidamada Amisom ay maraayeen meel ku dhaw Warshadii hore ee Baastada.

Miinooyinkaan ayaa la sheegay inay ku aasnaayeen wadada dhinaceeda, islamarkaana Ciidamada Amisom oo meesha maraayay lagu qarxiyay mid koowaad, kadibna ay xigtay tan labaad.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay isaga oo guriga ku jira inu maqlay labada qarax, kadibna markii uu banaanka u soo baxay uu arkay gaadiidka Amisom mid ka mid ah oo qaraxyada ay waxyeeleeyeen.

“Qaraxyada Ciidamada Amisom ayaa lala eegtay agagaarka Warshada baastada ayaga oo maraayo meeshaan dhawr mar ayeey wax ka dhaceen oo qarax ah oo Amisom lala eegtay.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Lama oga Khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ah ee soo gaaray Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee qaraxaan lagula eegtay nawaaxiga Warshadda Baastada ee Muqdisho.