Koox hubeysan ayaa Xaafadda Horseed ee degmada Waabari waxa ay saakay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ninka la dilay lagu Magacaabi jiray Cabdi Maxamed Culusow, kaasoo ahaa Gaashaanle Dhaxe.

Koox dhalinyaro ah ayaa toogtay , kadibna waxaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaaray,iyagoo halkaasi ka qaaday Meydka  sarkaalka ka dilay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in goobta ay ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu falkan u dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhacay dilal qorsheysan,kuwaasi oo loo geysto askarta ka tirsan Ciidamada iyo dadka shacabka ah