Sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Mahadaay iyo Jowhar.

Sarkaalka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cali Xuseen, waxaana sarkaalkan uu kaxeynayay gaari Cabdibile ah.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu ahaa mid xowli ku socday, wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Mahadaay ay tahay mid burbursan.

Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa saraakiishii xoogga dalka ee hoggaamineysay howl galadii Al-Shabaab looga saaray deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa uu Sarkaalkan Taliye u ahaa ciidan ku sugnaa deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay.

Wadada u dhaxeeysa Mahadaay iyo Jowhar oo ah mid burbursan ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay shilal gaari.