Saaka aroorti hore Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (axmed Madoobe) ayaa kormeer kadis ah ku tagay xarumaha Ciidamada Nabad sugiga ee Magaalada Kismaayo

Axmed Madoobe ayaa Askarta iyo Sarakiisha uu halkaas kula kulmay ku booriyay in ay laban laaban dadaalkooda iyo u diyaar garoowgooda howlgalada socda ee la isugu furayo Magaalooyinka xorta ah kuwa maqana dib loogu xoraynayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awood ahaan aad u liitaan oo aysan hor istaagi karin Ciidamada howlgalada bilaabay loona baahan yahay in la sii xoojiyo oo si dardar leh loo wado.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Shacabka wali ku jira gacanta Al-Shabaab ay hiil uga baahan yihiin lana joogo wakhtigii xoriyada looso celin lahaa ayna ku noolan lahayeen nolol aan cabsi lahayn.

Axmed Madoobe ayaa maal mihii ugu dambeeyay kordhiyay kormeerada uu ku tagayo xarumaha Ciidamada Jubbaland xili Doorashada Madaxweynaha Maamulka ay soo dhawday.