Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo, Sawaxanka, Farxada iyo laan-qaboobida Shacabka Gaalkacyo ayaa kaliftay in jidadka oo dhan ay xirmaan.

Kolonyada Madaxweynaha ayaa wadooyinka oo dhan ku xirmeen, Madaxweyne Farmaajana wuxuu dareemayaa farxada ay  u qabaan Shacabkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mid mid u gacan qaaday shacabka u soo banaanbaxay,kuwaasoo aad ugu faraxsanaa imaanshaha madaxweynaha.

Diyaaradaha ciidamada Cirka ee Puntland ayaa sheeda sare kala socda wafdiga Madaxweynaha iyo Ammaanka oo dhan, waxaana la sugayaa si adag amniga magaalada Gaalkacyo.