Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaalada Addis ababa uga qeybgalay shirka Madaxda Midowga Afrika ayaa waxa uu kulamo ka wadaa Magaaladaas.

Fanaanka Caanka ah Ee Xasan Aar Maanta ayaa waxa uu la kulmay Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankaas ayaa waxa uu shalay ka dhacay Magaalada Adis Ababa iyadoo Fanaanka uu Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in lagu garab siiyo Ka hortegida Tahriibka Ee Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Aar Maanta ayaa lagu Xasuustaa Heesta TAHRIIBKA ee Hay’ada UNHCR Qarashka kusiisey islamarkaana sanado ka hor uu Qaaday.

Dhalinyaro Badan ayaa waxay Ku le’daan Tahriib ay naftooda ku biimeeyaan Badda Halista Badan Ee Libiya ilaa Talyaaniga udhaxeysa.