Kadib markii ay soo dhamaatay Doorashada Madaxweynaha Puntland oo uu ku guuleystay Saciid C/llaahi Deni ayaa waxa durba isbadalay go’aankii uu gaas ku mamnuucay in Garoowe ay tagaan Madaxda Dowlada Dhaxe

Waxaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ka duulay diyaarad sida Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana ay ku sii jeedaan maagaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka soo jeeda degaannada Maamulka Puntland.

Mas’uuliyiintan safarkooda ayaa ku soo aadaya kaddib markii uu doorashada ku guuledarreystay C/Wali Maxamed Cali Gaas oo Warqad uu horay u soo saaray ku mamnuucay in xubnaha dowladda Federaalka ah tagaan Magaalada Garowe.

Gaas ayaa dowladda Federaalka ah horay ugu eedeeyay in ay faragelin ku sameyneyso doorashada degaannada Maamulka Puntland.

Horay Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ka mid ahaa Axmed Ciise Cawad ayaa laga celiyay Garoonka Adan Cadde kaddib markii diyaaraddii geyn lahayd Garowe looga digay in ay qaaddo.

Xiriirka Gaas iyo dowladda Federaalka ah ayaa xumaaday inkasta oo Madaxweyne ku xigeenka C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey uu xiriir wanaagsan lalahaa Dowladda dhexe.