Kabtanka kooxda Real Madrid ee waddanka Spain, Sergio Ramos ayaa kulankiisii 600 ee naadiga Los Blancos waxa uu ciyaari doonaa habeen dambe, ciyaartaas oo ay kaga hor tagayaan kooxda Ajax Amsterdam, kana tirsan 16 dhammaadka Champions League.

Ciyaartan ayaa ka dhici doonta garoonka Johan Cruyff Arena, waana mid muhiim u ah tiro xisaabeedkiisa.

20-kii bishii May, 1998 markii Real Madrid ay ku guuleysatay koobkeedii 7’ ee Champions League waxa uu Ramos ahaa 12 jir ku riyoonayay in uu u safto safka hore ee kooxda Seville.

Kulankiisii ugu horreeyay ee Real Madrid uu u dheelay wuxuu ahaa 10 September 2005, ciyaartaas oo ay kaga hor tageen Celta Vigo, waxaana wixii waqtigaa ka dambeeyay uu la qaaday 4 Champions League oo ay ku jireen 3 ay qaadeen saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Daafacan khabiirka ah ee 32 jirka waxa uu 414 kulan oo La Liga ah u ciyaaray Real Madrid, 45 Copa del Rey, Champions League 118 kulan, Super Koobka Spain 12, Super Koobka Yurub 4 iyo Koobka Adduunka ee Naadiyada 6, iyadoo isu geyntana noqonayso 599 kulan waxaana uu dhaliyay 84 gool.

Inkastoo uu ka mid yahay gooldhaliyeyaasha ugu sareeya kooxda, isagoo dhaliyay sideed rigoore xilli ciyaareedkan , weli wax gool ah kama dhalin Horyaalka Rer yurub “Champions League” .

32 jirkaan ayaa si dhaqso ugala wareegi doona labada ciyaaryahan ee Paco Gento iyo Fernando Hierro , iyagoo labadoodaba ku guuleystay 601 kulan oo Los Blancos ah ka ciyaarey.