Atletico Madrid oo 3-1 ku garaacday Atletico Madrid ayaa Real Madrid ka dhigtay Iney Fadhisato kaalinta labaad ee horyaalka LaLiga, Xili kabtanka Sergio Ramos uu ku dhawaaqay tartanka horyaalka in ay qaadi karaan.Sergio Ramos ayaa shaaca ka qaaday in Real Madrid ay Barcelona ku qaadi karto LaLiga ka dib markii 3-1 ay kaga badisay Atletico Madrid o ay u soo baxeen kaalinta labaad ee horyaalka.

Ramos ayaa shabaqa soo taabtay kulankii ay guusha ka gaareen Garoonka Wanda Metropolitano, isagoo dhaliyay goolkiisii ​​11aad ee tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, taas ka dhigtay 2018-19 rikoorka ugu fiican ee xirfadiisa ciyaareed.

Real Madrid ayaa hadda yeelatay 45 dhibcood waxayna si ku meel gaadh ah hogaanka La Liga ugu sii jirsatay shan dhibcood oo kaliya ka hor inta ayna Barcelona markeeda imtixaan adag ku marin San Mames oo ay ku booqan doonaan Athletic Bilbao.

Real Madrid oo xili ciyaareedkan kaalmo aad u liidata ku soo jirtay ayaa ugu danbayn hal dhibic ka sare martay Atletico Madrid oo ay 3-1 ugu soo awood sheegteen kulankii Estadio Wanda waxaana kulankan go’aamiyay Casemiro, Sergio Ramos iyo Bale oo min hal gool dhaliyay iyada oo gool uu Griezmann u saxiixay Atleco aanu waxba badalin.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda kooxaha reer Madrid ee kulankii saamaynta wayn ku yeeshay kala saraynta horyaalka La liga.

XIDIGII GAROONKA: Casemiro ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu shaqo wayn u qabtay kooxdiisa Los Blancos isla markaana uu ahaa xidigii goolka cajiibka ahaa ugu daahfuray Los Blancos kulankan si uu bilaabasho wayn u siiyo Solari iyo wiilashiisa Madrid.

Casemiro ayaa marka laga yimaado goolka uu kulankan ka dhaliyay waxa uu sameeyay shan taakal wuxuuna ku guulaystay afar jeer oo uu kubbad sare kula tartamay ciyaartoyda Atletico halka uu 58 baas uu bixiyay wuxuuna ahaa xidigii afraad ee ugu kubbad bixinta badnaa.

Luka Modric ayaa isna u qalmay in uu noqdo xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu kala dhantaalay khadka dhexe ee Atleto Madrid wuxuuna qaatay mid ka mid ah kulankiisii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa laakiin waxaa kulankan ku fashilmay Arisa, Gimenez, Sual, Lemar laakiin waxaa qiimaynta ugu liidatay helay Thomas oo kaadhka cas loo taagay.

Toni Kroos, Sergio Ramos iyo Varane ayaa sidoo kale helay qiimayn fiican kadib markii ay qaab ciyaareed aad u fiican kala soo muuqdeen kulankii Madrid Derby.

Halkan kaga bogo qiimaynta Ciyaartoyda kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid Ee Kulankii Madrid Derby:

Atletico Madrid: Atletico: Oblak (6), Arias (5), Gimenez (5), Godin (6), Hernandez (6), Correa (6), Saul (5), Thomas (4), Lemar (5), Morata (5), Griezmann (6)

Badalkii: Vitolo (6), Rodrigo (6), Kalinic (6)

Badal Aan La Isticmaalin: Adan, Luis, Juanfran, Montero.

Goolkii: Griezmann 25

Real Madrid: Courtois (6), Carvajal (6), Ramos (7), Varane (7), Reguilon (6), Kroos (8), Casemiro (7), Modric (8), Vazquez (6), Benzema (6), Vinicius Jr (6)

Badal Aan La Isticmaalin: Navas, Nacho, Marcelo, Asensio.

Goolashii: Casemiro 16, Ramos 42, Bale 74

Badalkii: Gareth Bale 7, Mariano Diaz 5, Dani Ceballos 5