Maamulka Somaliland ayaa kasoo horjeestay go’aankii dowladda Soomaaliya ay dalka kaga ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Haysom.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Somali-land ayaa lagu sheegay in ay aad uga xunyihiin go’aanka Soomaaliya ka qaadatay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom.

Somaliland waxa ay sheegtay in ay ka go’an tahay la shaqeynta Wakiilka si loo sii dardargaliyo howlaha Qaramada Midoobey ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxa ay Somali-land qoraalkeed ku xustay in cawaaqib xumo ay ka dhalankarto go’aanka Soomaaliya Islamarkaa Wakiilka Qaramada uu ka xeel dheeryahay waxyabaha loo aaneeyay.

49184600_2358831747478883_7101386119337476096_n