Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa sheegay inuusan iloobi doonin saddexdii sano ee uu kusoo qaatay Atletic Madrid kaddib af-lagaado ay kula kaceen jamaahiirta kooxdaasi kulankii shalay ee Derby ahaa ee Madrid.

Goolal ay dhaliyeen Casemiro, Sergio Ramos iyo Gareth Bale ayaa Madrid ka caawiyay guul 3-1 ah oo ay kusoo gaadhay Wanda Metropolitano halka Greizmann uu dhaliyay goolka kooxda martida loo ahaa.

Courtois ayaa ciyaarayay kulankiisii ugu horreeyay ee uu garoonkooda cusub kaga hor tagayo Atletico waxaana uu ahaa soo laabasho uu ku laabtay kooxdiisii hore oo aan si wanaagsan u qancin jamaahiirta Rojiblancos ee uu saddexda sano lasoo qaatay.

Taageerayasha Atletico ayaa ku oriyay isaga iyaga oo sidoo kale foodhi ugu daray isla markaana alaabooyin ku tuuray intii kulanku socday.

“Wali waxaan u hayaa ixtiraamka ugu badan Atletico iyo jamaahiirteeda, Saddexda sano ee aan halkan kusoo qaatay looma tir-tiri karo sababtan” Ayuu yidhi Courtois kulanka kaddib.

“Waxaan halkan ku bixiyay saddex sano oo xaqiiqdii fiican umana iloobayo sanadahaas sababta waxa dhacay maanta, Waxaan diirada saarayay kulanka xaqiiqdii manaan aqoonsan”

“Waxaan markasta bixiyaa waxkasta oo aan haysto, Waxaan markasta sidaa ku sameeyay Atletico halkaas oo aan wax kusoo guuleysanay, Dadka sidaa og way i ixtiraamaan, Marka aan taageere Atletico Madrid ah ku dhaafo wadada waxa ay markasta ii rajeeyaan wax ugu fiican”

“Derby-gu waa mid markasta kacsan, Dadku way sameeyaan waxyaabahan mana aha dhibaato” Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay goolhayihii hore ee Chelsea.