Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jeneraal Muxuyadiin Axmed Muuse, ayaa sheegay dadka dilalka ka gaysta Magaalada Boosaaso inay yihiin dad ku biiray oo wax ka barta goobaha kala duwan ee waxbarashada deeganada Puntland.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta deeganada Puntland, ayaa wuxuu sheegay in goobaha waxbarashada sida Jaamacadaha & macaahida ay ku biireen kooxaha dilalka gaysta.

“Argagixisadu waxay gashay Jaamacadaha, waxay gashay macaahida, waxay gashay iskuulada, waxay gashay, meel kasta ayay gashay, marka meel kasta oo ay gasho waa lala gelayaa, cid kastoo shaki laga qaadana waa la baaraya.”Ayuu raaciyay taliyuhu.

Isaga oo hadalka sii wata ayaa Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland wuxuu sheegay dil habeen hore ka dhacay Magaalada Boosaaso oo loo gaystay nin ganacsade ahaa in la soo qabtay dadkii dilka gaystay & hubkii dilkaasi lagu fuliyay.

“Nin ganacsada baa magaalada lagu dilay, ciddii dishay, qorigii lagu dilay dhammaan waa haynnaa, waxaanna rajaynayaa haddii Ilaah idmo, maanta inaan soo bandhigi doono” ayuu yiri taliye Muxiyadiin oo faahfaahinayey cidda loo qabtay dilka Salaad Cukaash.

Ciidamo badan oo Booliska Puntland ayaa hawlgalo joogto ah ka wada Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari oo muddooyinkii dambe ammaankeeda uu ahaa mid aanan wanaagsaneyn.