Warar goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Wakaalada Wararka Axadletimes ayaa sheegaya in Taliyihii Saldhiga Degmada Qardho ee maamulka Abshir Mohamed Abaas uu manta ka tegay xilkaas kadib markii uu ku dhawaaqay in uu is casilay.

Abshir Maxamed Cabaas taliyihii saldhiga degmada Qardho ayaa Warbaahinta Puntland u sheegay in uu iska casilay xilkii uu hayay 18/7/2018, Abshir oo aan wax ka waydiinay sababta uu xilka isaga casilay waxa uu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo, Warar hoose oo aan helaynayo ayaa sheegaya in sababta uu taliyuhu xilka uga tagay ay tahay ka dib markii shaqada isku fahmi waayeen qaar ka mida masuuliyiinta dawlada.

Taliye Abshir Maxamed Cabaas ayaa 22 bishii March 2017 kala wareegay xilka taliyihii ku xigeenka saldhiga Maxamuud Kabayare.

Taliye  Abshir ayaana  aad loogu xasuustaa wada shaqayntii uu la lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada, sugida amniga iyo tayayntii ciidamada, Abshir ayaa lagu wadaa in uu warbaahinta la hadlo dhawaan , faahfaahina ka bixiyo sababta uu isaga casilay.

taliyaha ayaa wararku waxa ay sheegayaan in dalbaday in uu sii wado shaqada balse waxa uu sheegay in uusan ka laabanayn goaanka uu qaatay.

Abshir oo mudo sanad iyo ka badan shaqadaan hayay ayaa aad loogu xasuustaa xiriirka wada shaqayneed ee kala dhaxeeyey bulshada iyo wax ka qabashada arimaha amniga iyo tayaynta ciidamada policeka. Abshir Mohamed Abaas ayaa ahaa nin dhalinyar ah waxaana uu ahaa nin Firficoon.