Habeenimadii sabtida ayaa feedh yahanada Polyana Viana, oo hor fadhida guriga ay dagan tahay ee ku yaala Rio de Janeiro ee caasimada dalka Barasil, iyadda oo sugay gaadhi Uber-ah, waxaa u yimid wiil.

Ninkan ayaa markii hore waydiiyey wakhtiga saacadu tahay, ka hor inta aanu isku dayin in uu ka dhaco telefoonkeega gacanta.

Wuxuu ku war galiyey in ay u dhiibto telkeega “Isii tilifoonkaaga, hana isku dayin in aad wax kale samayso, waan hubaysanahay” ayuu yiri.

Wuxuu la soo baxay hub u eg baaskoolad, waxaan dareemay in waxan uu sitaa jilicsan yahay, wuuna ii soo dhawaaday, waxaanan ku fikiray waxan uu sitaa xataa hadii uu hub yahay in uuna haysan wakhti uu ku rido, waan ku booday waxaanan ku dhuftay feedh iyo haraati (Laag) wuuna dhacay, waxaanan kaga dhagay qoortay, ayay tiri feedhayahanada oo sharaxaysa wixii dhacay.

Waxaan xoog dhulka ugu cadaadiyey qoorta, waxaanan u diiday in uu nuuxsado, anniga oo la sugayey inta ay boolisku imanayaan.

Mar danbe ayaa si dhakhso ah u ogaaday, in ayna waxa uu sitaa qori ahayn, ee ay tahay baako la soo googooyey , balse ay noqon karto hub lagu ciyaaro, ama midi.

Goobta awaxaa yimid booliska, oo u qaaday wiilkii dhakhtarka ka hor inta aan la gayn xarunta booliska, waxaanan ogaaday in uu lahaa fal danbiyeedyo hore, haddana xabsi laga soo daayey.

Wax kabadan labbadaa jug kuma samayn, waayo waxa uu yareey dhaqdhaqaaqa, wuuna baqayey, waxuuna ku dhawaaqaayey waxaan wacayaa booliska, waayo waxa uu ka baqaayey in aan sii garaaco ayay tiri Viana.