Shabakadda laga leyahay turkey ay baahisay muuqaalo arag ah ama video ah oo cusub kuwaasoo ay kasoo muuqdeen hogaamiyihii watay kooxdii dilka bahalnimo u gaysatay Jamaal Khashqji.

Waxa kasoo muuqday muuqaaladan cusub ee ay baahisay Turkey hogaamiyahan oo magiciisa lagu sheegay Maahir Mudrib oo kasoo degaya gaadhi madow oo ay saarnaayeen qaar kamid ah kooxdan dilaaga ah kaasoo ay kasoo raaceen qunsuliyadda kuna yimaadeen aqalka qunsulka.

Waxa muuqaalkan uu muujinaaya xubnaha kooxdan dilaaga ah oo sita boorsooyin la rumeysan yahay inay ku jiraan qaybo kamid ah xubnhii jidhka dhibbanahan kadib markii lagu googooyay gudaha qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul 2-dii bishii October ee la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay ilo Turkish ah gadhiga madow oo ah nuuca loo yaqaano (van) oo ay leedahay qunsuliyada Sucuudigu waxaa wade ka ahaa nin lagu sheegay magaciisa Dacaar Khaled Al-Xarbi.

Waxa gaadhigan socodkiisa kasoo bilaabay qunsuliyadda qoyskan goor-sheegta guduhu markay ahayd ku dhawaad 3-dii galabnimo isagaoo soo gaaray aqalka qunsulka oo u jira qunsuliyadan 300 oo mitri goor-sheegtu markay ahayd 3-dii galabnimo iyo 5 daqiiqadood.

Halkan ka daawo muuqaalkan oo ay baahisay shabakadda Aljazeera oo soo xigatay televishan laga leeyahay Turkey….