Dhalinyaro badan oo u dhalatay dalka Kenya ayaa si weyn uga carooday xil dowlada u magacawday Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalkaasi Moody Awori oo maalmo kadib noqonaya 91-sano jir.

Madaxweynaha Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu udoortay madaxweyne kuxigeenkii hore Moody Awori inuu hoggaamiyo guddiga kormeerka ee loo xilsaaray in uu maamulo Guddiga Cayaaraha, Farshaxanka iyo Horumarinta Bulshada sababtoo ah dhallinyaradu badankood waa musuqmaasuq Ayuu yiri.

Dowlada Kenya ayaa u magacawday Moody Awori in uu kamid noqdo guddi kor kala socon doonto arimaha ciyaaraha dalka Kenya, waxaana xilkan loo magacaabay Moody uu buuq iyo caro badan ka dhaliyay gudaha Kenya.

“Adiga ayaa iska dhigaya kabaha, waxaadna aragtaa sida dadku u xadeen lacagta, adigoon haysan wax doorasho ah oo aad ku hesho qofka aad ku amiini karto waa in aad ku kalsoon tahay oo kaliya nin waayeel ah oo kaa taxaddaraya lacagtaas,” ayuu yiri.

Dhalinyaro u badan kuwa wax bartay ee u dhashay dalka Kenya ayaa si weyn uga carooday guddiga dowlada ku dartay Siyaasiga 91-sano jirka ah, waxa ayna dhalinyarada dowlada ku eedeesay in ay xaqireyso dhalinyarada.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay sheekada odayga 91-sano jirka ah ee dowlada guddiga ku dartay, waxa ayna dhalinyaro badan dowlada ku eedeeyeen in shaqooyinkii dhalinyarada duudsiineyso kana doorbideyso odayaal .

Mid kamid ah Dhalinyarada dalka Kenya oo lagu magacaabo Robert Alai ayaa sheegay in shaqada dowlada Kenya siisay Moody Awori ay bahdil iyo xaqiraad ku tahay dhalinyarada dalka Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa difaacay xilka dowlada u magacawday siyaasiga 91-sano jirka ah, waxa uuna sheegay in dad hanti lunsanaya intii xilkaasi loo magacaabi lahaa ay muhiim tahay in loo magacaabo 91-sano jir daacad ah.