Arsenal ayaa magacaabi doonta macalinkii hore ee Paris Saint-Germain Unai Emery asbuucan, sida ay ogaatay shabakadda Sky Sports News.

Emery, oo ka tagay shaqadiisa PSG horaantii bishaan, ayaa London ku sugnaa Isniintii isagoo wadahadalo kula jiray Gunners.

46 jirkaan reer Spain ayaa hogaanka u haya kooxda Faransiiska Ligue 1 xilli ciyaareedkan, laakiin ma uusan helin kordhin qandaraaskiisa labo sanno  ahaa, waxaana bedelay Thomas Tuchel.

Mid ka mid ah ilaha dhow ee wadaxaajoodka ayaa u sheegay Sky Sports News in Emery uu yahay musharaxa kaliya ee loo soo bandhigay doorka bedelka Arsene Wenger.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Arsenal Mikel Arteta ayaa ku jiray qaab shabaqa xulashadda, lakiin waxa uu ka soo baxay oo uu dib ugurasho sameyey Isniinta. Waxaa la fahamsan yahay inuu doonayo inuu xaqiijiyo doorka uu ka ciyaari lahaa suuqa kala iibsiga Arsenal ka hor inta uusan ogolaanin inuu kooxda u ugu biiro tababare ahaan.

36-sano jirkaan oo macalin ku xigeen ka ah Manchester City, ayaa sidoo kale doonayay damaanad qaad ah in uu yeelan doono ciyaartoy muhiim ah oo ciyaartoyda loo iibin doono si loogu maalgeliyo maalgashi dheeraad ah, miisaaniyada xagaaga ee kooxda ayaa lagu soo waramayaa in lagu qiyaasay 50 milyan ginni.

Arteta ayaa la fahamsan yahay inuu ku faraxsan yahay inuu sii joogo City isagoo qeyb ka ah shaqaalaha tababarka ee Pep Guardiola Inkastoo aan la hubin inuu heshiis u saxiixay Arsenal iyo in kale.

Tababarihii hore ee Barcelona Luis Enrique ayaa la fahamsan yahay inuu weydiistay dammaanad la mid ah intii uu socday wadahadaladii Arsenal.

Khabiirka kubbada cagta Spain Guillem Balague ayaa u sheegay Sky Sports News Isniintii: “waxaa uu yirii Waxaan maqley in Unai Emery uu London u joogo si uu wadahadal ula galo Arsenal, waa wax uu sameeyn karo xaqiiqda ah inuu xor u yahay waxkaste, islamarkaana uu doonayo shaqadiisa in ana la faragalin.

“Waxaan ka hadleynaa waa qof shaqadiisa sida weyn u gutey sida Sevilla, firii todobaadkii hore waxaa loo magacaabay tababaraha sannadka ee France iyaadoo lalaxariirinaayo shaqadda ficaan ee uu ka qabtey PSG.”