Arsenal ayaa si Rasmi ah u shaacisay in Unai Emery uu yahay tababaraheeda cusub, kaa oo xilka ka badelay Arsene Wenger 22 sano kaddib.

Bogga rasmiga ah ee macallinka reer Spain ayaa habeen hore sii shaaciyay inuu noqonayo tababaraha cusub ee Gunners balse markii dambe la tiray, laakiin kooxda reer London ayaa iminka si Rasmi ah u shaacisay.

Warbixin la soo dhigay bogga Rasmiga ee Arsenal ayaa lagu yiri:

“Unai Emery ayaa noqon doono tababaraheena cusub.

Unai Emery ayaa noqday dooqa koowaad ee laga xushay Tababarayaashii u sharaxanaa Kooxda Arsenal inay leyliyaan, waxaana saacadihii u dambeeyay uu ahaa ninka loogu hadal heynta badnaa.

Mikel Arteta oo horay ugu soo ciyaaray Kooxda Arsenal ayaa markii hore loo waday in loo magacaabay, hase ahaatee khibradiisa shaqo ayaa waxaa ka horyimid Maamulka sare ee Kooxda.

“Wuxuu ku soo biiray kooxda kaddib markii uu soo dhameytay labo sano uu soo hayay xilka PSG, halkaa uu dhawaan kula guuleystay saddexleey Ligue 1, Coupe de France iyo the Coupe de la Ligue.”.

Tababare Unai Emery ayaa horay u soo tababaray Kooxda Sevilla, isagoo saddex jeer isku xiga u qaaday Koobka Europe League, sidoo kale waxaa uu soo tababaray oo uu dhowaan ka soo tagay Kooxda PSG oo uu kula guuleystay Horyaalka League 1 iyo labo Koobka Faransiiska iyo kan Super Copa.