Vinicius Junior wali si rasmi ah ma aysan usoo bandhigin ciyaaryahan Vinicius Junior, laakiin waxaa lagu wadaa inuu Magaaladda Madrid yimaado maalinta Sabtidda ah ee Isbuuca soo aadan.

Sidoo kale, xidigaan ayaa waxaa la filayaa in islamarkiiba oo uu yimaado uu maro tijaabadda caafimaadka.

Balse, si rasmi ah waxaa saxaafadda loogu soo bandhigi doonaa maalinta Isniinta ah ee isla todobaadka dambe.

Lama ogga hadii uu qeyb ka noqon doono ciyaartoyda kulamadda leyskugu diyaarinayo xili ciyaareedka ka qeyb noqon doono.

Tababare Julen Lopetegui, ayaa ah midka go’aamin doono hadii uu horey usii wadan doono wiilkaan reer Brazil.

Laacibkaan ayaa waxaa uu Madrid uga soo biirayaa dhigeeda Clube de Regatas do Flamengo, oo ka tirsan dalka Brazil.

Sikastaba, imaansha ciyaaryahankaan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ay waayeen jamaahiirta Madrid ciyaaryahan wayn, kaasoo ah laacibka lagu magacaabo Cristiano Ronaldo oo Juventus aaday.