Kaliya 25 maalmood kadib udhawaaqistiisa Juventus oo uu Real Madrid uga yimid, Cristianno Ronaldo ayaa wuxuu ka hor-imaan karaa kooxdiisii hore, 4-ta bisha Agoosto ee sanadkaan.

Kulankaan oo ka tirsan koobka International Champions Cup, ayaa waxaa labadda koox ay isaga hor-imaan doonan garoonka FedEx Field oo ku yaala Magaaladda Maryland, ee duleedka Washington DC ee Mareykanka.

Kulankaan oo laga daawan doono xiliga dalka Mareykanka Maqribadii ayaa waxaa fiirsan doonaa Yurub Saqda Dhexe, halka Geeska Afrika laga daawan doono Caweysnimadii.

Ma cadda hadii uu Ronaldo si toosh ah uga soo muuqan doono kulankaan, inkasta oo ay ubadan tahay sidaas.

Wallow uu Ronaldo kusoo daalay koobka aduunka, haddana qorshuhu wuxuu ahaa inuu Madrid ugu soo laabto 30-ka Julaayo si uu kulamadda leyskugu diyaarinayo xagaaga cusub xaadir unoqdo.

Tani macnaheedu waxay taahy in Ronaldo uu kulankiisii furitaanka ka hor-imaan karo Real Madrid, waliba isagoo kulankiisii ugu horeeya oo uu xiran yahay maaliyadda Bianconeri ka hor-tegi doono Los Blancos.