Shabaab ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen askar badan oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee Gobolka Gedo.

Warbaahinta Shabaab ayaa sheegtay 13 askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Somaliya ee Gobolka Gedo in lagu soo bandhigay Magaalada Ceelcadde.

Shabaab ayaa sidoo kale sheegay askartaasi oo watay hubkooda inay ka kala yimaadeen Magaalooyinka Baardheere iyo Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Waxaa kale oo ay sheegeen Shabaab qaar ka mid ah askartaasi in loo lacageeyay hubkooda, islamarkaana dhinac ay ka raaceen Shacabkooda.

Majirto ilo wareedyo ka madax banaan Shabaab oo xaqiijinaya in 13 Askari oo ciidamada Dowladda ka tirsanaa Shabaab ay isku dhiibeen.

Saraakiisha Wasaarada gaashaandhiga dowlada Soomaaliya kama hadlin in askartan ay ciidankooda ka tirsanaayeen iyo in kale.

Maalmo ka hor ayaa Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa lagu toogtay 6 nin oo Shabaab inay ka tirsan yihiin lagu eedeeyay, balse maxkamad aysan xukumin.