Inkasto inta badan ay Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha QM ay waddanka ka maqan yihiin, haddana warka sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddanka ka usaan ka shaqeyn karin ergayga xoghayaha guud ee QM u qaablisan Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa ah saameynta ugu weyn ku yeeshay dhammaan xerada Xalane oo uu ah xarun hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawl gala dhamman gobalada Dalka.

Ilo-wareedyo ku sugan gudaha xarunta ayaa inoo xaqiijinaya in ay dhammaan hal mar hakad la galiyey xafladaha dabbaal degyada sanadka cusub oo xalay soo billowday, kadib markii lagu wargaliyey warka  ah in Dalka laga mamnuucay ergayga, taas oo ama kaag iyo fajac ku noqotey shaqaalaha howsha xafiiska sii wada Waqti xadirka.

Madaxda xafiisyada muhiimka ah ee QM ayaa la filayaa in ay soo gaabiyaan fasaxyada sanadka cusub oo ay dalalkooda ku joogaan, si ay ula tacaalaan xaaladda taagan oo ah mid ugub ah marka loo eego go’aanka dowladda Federaalka ah oo lama filaan ahaa.

Inkastoo Dadka falanqeya siyaasadda ay ku macneyeen in Ay dawladda Soomaaliya ay Xiligan ruun ahaanti raabto in ay boorka ka jafto siyaasadii laga amisana oo ay hadda ahaan Dawlad mujineyso in ay tahay sidii hore lola dhaqmi karin oo uu tagaan dhawrista madaxbananidda Dalkeed.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka ah ayaa caawa shaacisay in aan waddanka looga baahneyn Nicholas Haysom, maadaama uu ku xadgudbay madaxbannaanida dalka, sida loo dhigay qoraalka lagu eryay Haysom.

Ergayga oo Waqti xadirtka fasaxa sanadka cusub ku maqan ayaa shalay xafiiskiisa uu soo saaray qoraal uu ku dhaliilayo dowladda Soomaaliya.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ayaa ahaa mid marnaba aysan beesha caalamka ku fakarin in madaxda Soomaalida ay qaadan karaan, ayaga oo mar walba rumaysnaa in beesha caalamka ay tahay tan leh go’aanada siyaasadeed ee dalka.

Haddaba Haddii ay dawladda soomaaliya ay ku guleysato go’aanka ay maanta soo saartey waxaay cabsi iyo quus galin karta Hay’adaha iyo dadalka Faragalinta ku haya soomaaliya oo uu arki kara in Dawladda soomaaliya ay ledahay hogaan qadan kara go’aan geesinimo leh oo aan gabasho laheyn.

Inkastoo aanan laga hordhici kariin Arrinka ayaa hadda waxaa la sugaa waxaay tahay sidaa ay Qaramadda midowbay ay uga falceliso iyo in uu mesha ka bixi doono ergayga Haysom oo Ay QM Badasho Ergaygan.