Wararkii ugu dambeeyay ee nagaa soo gaaray Puntland ayaa sheegaya in ammaanka Magaalada Garowe si weyn loo adkeeyay, waxaana Magaalada ku sugan Musharaxiin badan oo u taagan xilka Madaxtinimada maamulka Puntland.

Magaalada waxaa ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashadda guddoonka Baarlamaanka Puntland oo lagu waddo in ay Garowe ka dhacdo maalmaha soo socda.

Maanta ayaa lagu waddaa in lagu dhawaaqo Guddiga doorashadda Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka sidda ay Warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Xildhibaanada maamulka Puntland.

Ku dhawaad 30 Musharax ayaa ku loolamaya xilka Madaxweynaha, waxaana ay sheegayaan in Madaxweyne Gaas uu Afduubtay hanaanka doorashadda iyo waliba Guddiga xalinta Khilaafaadka.

C/wali Gaas ayaa wali bilaabin Olole Muuqda, waxaana labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu ku sugnaa degaano ku yaalla gobolka Mudug.

Shalay Ayaa lagu dhawaaqay Xildhibaanada Puntland ee dooran doona Madaxweynaha shanta sano ee soo socota maamuli doona Puntland.