Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa goor dhow kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda ee golaha Shacabka oo shalay doortay Gudoomiye, Gudoomiye kuxigeen iyo Xoghaye Guud.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in uu kulan deg deg ah la qaatay Guddiga si looga wada hadlo miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka oo ay ka dhiman tahay maalmo Kooban.

“Waxaan la kulmay Guddiga cusub ee Maaliyadda BFS oo aan ka wada hadalnay qaabkii aan uga wada shaqeyn laheyn howlaha culus ee ina horyaala. Waasaaradda iyo Guddiga Maaliyadda waxaa ka go’an in ay si wada jir ah ugu dadaalaan horumarinta Maaliyadda Dalka” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Kulanka ayaa kusoo adaaya ayaa Guddiga Maaliyada Baarlamaanka Soomaliya uu Guddoomiye Cawad ku amray in Saddex maalin Golaha ku ho geyaan Miisaaniyada Dowlada ee 2019.

30-ka Bishaanayey ku beegantahay xili la amray Guddiga inay horgeyaan Baarlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo  ka dib uu u saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya.