Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dowladda Federaalka ahe e Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amardambe) ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, taageerada Dowladda Talyaaniga ee dib u dhiska Ciidanka Soomaaliya iyo qodobo kale.

Wasiir Amardambe ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaadatay dib u dhiska Isbitaalka Xoogga ee Ciidanka ay leeyihiin.

Dhankiisa Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya oo uu wehliyo u qeybsanaha arrimaha ciidanka ee Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay sii wadeyso taageeradeeda dhinaca caafimaadka iyo amaanka ah.

Waxaa uu xusay in dowladda Soomaaliya ay dib u dhis ku heyso Ciidanka Soomaaliya,dowladda Talyaanigana la socoto islamarkaana laga taageerayo sidii dib loogu dhisi lahaa Ciidanka xoogga dalka.