Waxaa dib loo dhigay kulankii ay maanta sabti yeelan lahayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana Xildhibaanada lagu wargaliyay in maalinta Isniinta laga dhigay kulanka Golaha.

Fariin qoraal xalay fiidkii loo diray  Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan kulan ay yeelanayaan maanta sabti ah.

Ajendaha maanta looga hadli lahaa Kulanka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada loogu sheegay  u codeynta wax ka badelka sharciga Hanti dhawraha guud ee Qaranka iyo  Xeer Maamulka Bankiga dhexe.

Intaas kadib Xildhibaanada ayaa loo diray fariin kale oo lagu wargalinayo in uu baaqday kulankii Golaha Shacabka ee maanta loogu codeyn lahaa wax ka badelka sharciga Hanti dhawraha guud ee Qaranka iyo  Xeer Maamulka Bankiga dhexe.

Qodobka ku saabsan wax ka bedelka xeerka Banggiga Dhexe ayaa ah hadal heynta ugu badan ee Golaha Shacabka, ayadoo Xildhibaanada qaar ay barahooda facebook soo dhigeen qoraal ay ku sheegayaan in Qof ajinabi ah Madax looga dhigi rabo Bangiga dhaxe ee Soomaaliya.

Waxaa socda qorshe olole loogu sameynayo wax ka bedelka sharciga Hanti dhowrka Guud oo horay u sugayay in cod loo qaado iyo xeerka Banggiga Dhexe oo la doonayo in la bedelo qodob dhigaya in aanu Madax ka noqon karin qof ajnabi ah.

Sababta dib loogu dhigay kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxa kazoo baxaya warar kala duwan, wararka qaar ayaa sheegaya in laga cabsi qabo codeyn wax ka badalka xeerka Bangiga dhaxe loo waayo Xildhibaano taageero oo cod siiyo si uu ansax u noqdo, halka warar kale sheegay in loo baajiyay kooramka Golaha oo laga cabsi qabay in uusan dhameestirmin madaamo Xildhibaano badan ay Safar dalka kaga maqanyihiin.

War kasoo baxay Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa  Xildhibaanada dalka ka maqan looga dalbaday inay dalka dib ugu soo laabtaan,isla markaana Kulanka uu qabsoomi doono Maalinta Isbiinta ah ee soo socota.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa bilaabay in durba ay dacaayad ka fidiyaan kulanka maalinta Isniinta ah Golaha Shacabka lagu horgeynayo wax ka badelka sharciga Hanti dhawraha guud ee Qaranka iyo  Xeer Maamulka Bankiga dhexe.