Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa sheegay in uu wal wal ka qabo in ay Dowlada Dhuusamareeb Ciidan u dirtay oo sidii Mukhtaar Roobow asna la xiro.

Xaaf ayaa ku nuux nuuxsaday in 19 bilood uu joogay Xafiiska ay Dowlada Dhaxe Dagaal kula jirtay Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay ee Galmudug.

Waxaa uu carabka ku adkeeyay in uu la dagaali doono cid kasto oo ka socota Dowlada Soomaaliya islamarkaan sida Al shabaab ay ula dagalami donaan.

Xaaf waxa sidoo kale sheegay in Dowlada ay cunaqabateysay Maamulkiisa islamarkaan wax ayar ay ku howlgalaan ay xoog iyo rafasho kusoo dhacsadeen.

“Umadda Soomaaliye iyo Beesha Caalamka waxaan u sheegayaa in hantidayadii lanaga cunaqabateeyay cadaadis nagula hayo wax alaale wixii amaan iyo booliska aan u adeegsan laheyn waa nagala xirxiray, labada gacmood iyo labada lugood ayaan ka xiranahay, fidnadaas iyo ayaa maalin walba nagu socota”. Ayuu yiri Xaaf.

Hadalkan Xaaf waxa uu ka sheegay Shir jaraa’id uu shalay warbaahinta ugu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxa uu hadalkiisa kusoo aadayaa xili Dowlada Dhaxe ay wiiqday awoodii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada kuwaas oo xili hore culeys siyaasadeed ku hayay Dowlada balse ay markii dambe kala furfurtay.