Xoghayaha arimaha dibeda UK Jeremy Hunt ayaa ugu baaqay boqortooyada sacuudiga in ay jawaab cad ka bixiso maqnaashaha saxafiga lagu magacaabo Jamal Khashoggi.

Wariyahaan ayaa markii ugu danbeysay la arkay xilli uu booqasho ku tagay qunsuliyada sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul todobaadkii la soo dhaafay.
Dhanka kale dowlada sacuudiga ayaa si adag u beenisay in wariyahan uu gacantooda ku jiro.

Wada hadal dhanka taleefanka ku dhexmaray wasiirka arimaha dibeda sacuudiga Adel al-Jubeir, iyo dhigiisa Uk Jeremy Hunt ayaa sacuudiga looga digay in nolosha iyo badqabka Jamal ay ku xirnaan doonto xiriirka labada dowladood.

Hunt ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray kadib kulan uu la qaatay safiirka sacuudiga u fadhiya magaalada London Mohammed bin Nawwaf bin Abdulaziz, talaadadii shalay.