MUNICH, GERMANY - APRIL 25: Cristiano Ronaldo #7 of Real Madrid reacts during the UEFA Champions League Semi Final First Leg match between Bayern Muenchen and Real Madrid at the Allianz Arena on April 25, 2018 in Munich, Germany. (Photo by Maja Hitij/Bongarts/Getty Images)

Dooda aan dhamaadka lahayn ee ka taagan waqti xaadirkaan kubada cagtu waxay weyaan midka ugu fiican dunida Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Dadka ayaa siyaabo kala duwan uga falceliya sheekadaan waxaana mid walba oo iyaga kamid ah uu sheegayaa inoo kan kale ka fiican yahay mid kale.

Murankaan waxaa kusoo biiray ciyaaryahanka lagu magacaabo Patrick Kluivert, kaasoo horey ugu soo dheelay Barcelona.

Inkastoo wax iska cad ay tahay in laacib horey usoo maray Barcelona uu garab istaagato Messi, hadana Patrick Kluivert ayaa wuxuu faah-faahiyay sababta uu sidaas ku yiri.

“Isaga waa kan aduunka ugu fiican, sababtoo ah wuxuu taasi ku muujiyaan garoonka,” ayuu ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta Barcelona.

“Isaga wuxuu awoodaa inuu bedalo kulanka xitaa hadii uu yahay 3-1, marka waa kan ugu fiican aduunka,” ayuu sii daba dhigay.
Mar uu soo hadal qaaday muuqaal ciyaareedka ay hada ku jiraan ciyaartoyda Barcelona ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday inuu yahay mid cajiib ah

“Dhamaan ciyaartoyda Madrid waxay isku deyayaan inay shaqadooda u qabtaan si wanaagsan, waana waxa looga baahan yahay.